Смотреть в Telegram
DHIBAATOOYINKA DHALINYARADA HAYSTA 1. Dhalinyarada qaarkood nolosha ayey ka hadheen, sababo la xidhiidha isticmaalka faraha badan ee mobile-ka, qaar waxay ku seegeen waxbarashadoodii, caafimaadkoodii iyo waqtigoodii dahabiga ahaa ee dhalinyaranimada. 2. Dhalinyarada qaarkood waxa uu ka galaaftey hurdadii ay seexan lahaayeen habeenkii, sunaha noloshu waa iney naftu habeenkii hesho nasasho iyo hurdo ku filan, ugu yaraan waa iney hesho ilaa todobo saacadood oo hurdo ah, si caafimaadkeedu u wanaagsanaado, balse dhalinyarada waqtigan nool badankoodu maalinta iyo habeenku waa isugu mid, habeenkii waa soo jeedaan maalintiina waa hurdaan, si kasta hurdada habeenkii wax u dhigma ma jiraan xitaa haddii aad maalintii oo dhan hurudo. 4. Dhalinyarada qaarkood ayaa ku andacoonaya iney subaxii shaqeynin sidaa daraadeed ay habeenkii soo jeedayaan si ay maalintii u seexdaan, habeenkii goor hore aad jiifsan kartaa, subaxii waxbaad baran kartaa, xirfad cusub oo aad ku shaqeysato beri ayaad baran kartaa shaqooyin ayaad raadsan kartaa, cudurdaar kuuma noqoneyso bilaa shaqo ayaan ahey. 5. Inaad habeenkii ku dhafarto mobile-ka waxa laga yaabaa in saameynta xun ee laga dhaxlo ay kugu soo degdegto ama laga yaabaa iney kaa raagto ama mustabalka ay kusoo ridato, xanuunka ugu badan ee laga qaado dhafarka waa xanuunka faaliga ama qalaylka, dad badan oo dhafarka la saaxiibey xanuunkaas ayaa ku dhacay oo la dhibaateysan yihiin. 6. Qaar ka mida dhalinyarada habeenkii qabintey isticmaalka mobilada waxay la dhibaatoonayaan in haddii ay is dhahaan goor hore jiifsada aaney hurdaba ka imaameyn, waxaana u sabab ah qabatinka soo jeedka habeenkii, markaa inta aanad la qabsan dhafarka waxaa haboon inaad is barin oo aad goor horeba habeenkii iska jiifsato. Waa wax lala yaabo qof labada habeenimo soo jeeda oo aanan garaneyn waxa uu ku soo jeedo iyo waxa uu ku waayey hurdadiisii, hawlahaaga fiidka horeba iska dhameyso horena ka jiifso. 7. Inaad habeenkii kusoo jeedo mobile-ka uma fiicna indhahaaga, khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in gebi ahaanba la yareysto habeenkii isticmaalka mobile-ka si aad ilaaliso caafimaadka indhaha. Inta Waxaa kasii daran inaa mobile-ka habeenkii ku isticmaasho meel mugdi ah taas oo dhaawaceysa indhahaaga. Waqtiga habeenkii Iftiinka shaashadaha toos ayey ugu dhacayaan indhahaaga. @Qormooyiin
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Love Center - Dating, Friends & Matches, NY, LA, Dubai, Global
Бот для знакомств